“Qabaa’il is-boobaya ayeynu nahay oo aan waxba isku ogolayn oo aan waxba ku heshiis ahayn, Baylahdiina way badatay..” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Ka Hadlay Arrimo Badan oo la xidhiidha Xaaladda Guud ee Dalka Somaliland, waxana uu ka Dayriyey Halka uu Maanta Dalku ku Sugan yahay oo uu sheegay inay tahay Meel laga warwaro.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo maanta la Hadlay saxaafadda, ayaa si cad u sheegay in qaranimadii somaliland sii kala furfurmayso, isla-markaana aanu dalka ka jirin wax horumar ah, waxana uu intaas ku daray in dib u dhac badani dhinacyo badan kasoo food saaray Somaliland.

HALKAN KA DAAWO