Qaar Ka Mid Ah Garoomada Kubada Ee Gadar Oo Nadaafaddaro Haayada Xuquuqda Aadamahu Ku Dhaliishay

Gadar(Slpost)-Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in shaqaalaha garoonka Khalifa International Stadium ee dalka Qatar ay ku nool yihiin meel la seexdo oo aan nadaafad ahaan wanaagsanayn oo ay bixiyaan lacag aad u badan marka shaqada loo qorayo.

Waxay kaloo sheegtay in aan la siin mushaar, baasaboorrada laga qaatay. Waxay ku eedeysay FIFA in ay ku guul darraysatay inay Qatar ka joojiso koobka kubbada cagta adduunka ee 2022, maadaama ay hareeyeen xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Xukuumadda Qatar waxay sheegtay inay ka walaacsan tahay eedeymaha oo ay baaraitaan ku samaynayso. Waxay sheegtay in daryeelka shaqaalaha muhaajiriinta ah uu u yahay muhiimadda 1aad, waxayna ku adkaysatay in ay ka go’an tahay isbeddel lagu sameeyo sharciga shaqada ee waddanka.