QAADKII ugu Tirada Badnaa oo lagu Gubay Laascaanood iyo Dareenka Shacabka magaalada

 

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Booliska ee magaalada Laascaanood oo kaashanaya ciidamada Milatariga, ayaa maanta gacanta ku dhigay Gaadhi siday Qaad sifo sharci-darro lagu gelinayey Xarunta Gobolka Sool.

Qaadka iyo Gaadhiga Siday ayaa lagu qabtay degmada Adhi-caddeeye ee gobolka Sool oo  masaafo dhan 33KM dhinaca Woqooyi-Galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood, waxaana Qaadka lagu gubay gudaha Xarunta maamulka degmada Laascanood.

Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sool, Gaashaanle Dhexe Maxamed Saleebaan Gooni oo faahfaahin ka bixiyey hawl-galka Ciidamadu ku qabteen Qaadka, ayaa sheegay in iyagoo fulinaya amarka ka soo baxay guddiga Heer Qaran ee ka-hortagga Coronavirus, ay qaadeen tallaadan isla markaana ay sii wadayaan.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Maayarka magaalada Laascaanood iyo masuuliyiinta kale ee Degmo iyo Gobol, kuwaas oo sheegay in shacabka magaaladu si weyn u soo dhaweeyeen go’aanka iyo tallaabada ay ciidammada ammaanku maanta qaadeen.

Warkan oo faahfaahsan iyo Hadalka masuuliyiinta kaga Bogo Muuqaalka Hoose

Guddoomiyaha Guddiga Heer Qaran ee Xakamaynta Cudurka Covid-19, ahna madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa 23-kii bishan shaaciyey in gebi ahaanba dalka laga mamnuucay keenista iyo ka-ganacsiga Qaadka oo intiisa ugu badan laga soo waarido dalka Ethiopia, isagoo Ciidamada Ammaanka amar ku siiyey inay dowladdu la wareegayso Hantida ciddii laga qabto ee Qaadka soo gelinaysa Dalka.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net