Qaadashada Kaadhadka Codbixinta oo ka bilaabmay Gobollada Togdheer, Maroodijeex iyo Awdal

Hargeysas (SLpost)- Hawsha Kaadh-Bixinta Codbixiyeyaasha ayaa maanta si rasmi uga bilaabantay saddexda Gobol ee Togdheer, Maroodijeex iyo Awdal oo ay muddo saddex maalmood ah ka socon doonto.

Magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo Boorama ayaa maanta lagu daa-furay hawsha kaadh-qaybinta Codbixiyeyaasha hore isu-diiwaangeliyey, waxaana loo qabtay munaasibado ay ka qayb-galeen masuuliyiinta guddiga Doorashooyinka Qaranka, madaxda Xisbiyada iyo Masuuliyiinta Xukuumadda ka tirsan.

Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer waxa si rasmi ah uga daah-furay hawsha bixinta kaadhadhka cod-bixinta Maxamuud Daahir oo ka tirsan Guddiga Doorashooyinka iyo Gudoomiyaha Komishanka doorashooyinka ee Gobolka Togdheer Farxaan Cilmi.

Gudoomiyaha komishanka doorashooyinka ee Gobolka Togdheer Farxaan Cilmi oo faahfaahiyey qaabka ay kaadh-qaadashadu saaka u bilaabantay, ayaa sheegay in hawsha kaadh-qaybinta si habsami ah uga bilaabantay 207 goobood oo ka tirsan deegaamada gobolka Togdheer. Waxa uu bulshada gobolka ugu baaqay inay ka faa’idaystay fursadda loo siiyey qaadashada kaadhadhka codbixinta oo muddo saddex maalmood ah ka socon doonta gobolka.

Sidoo kale, deegaanada hoos yimadda Gobolka Maroodijeex, ayay hawsha kaadh-qaybintu ka bilaaban tahay maanta. Degmooyinka Hargeysa, Gabiley, Sallaxley iyo Balligubadle iyo guud ahaan deegaannada hoos yimadda oo hawsha kaadh-bixintu ka bilaabantay, waxa goobaha kaadh-qaybtu ka socoto kormeeray masuuliyiin ka tirsan Guddiga Doorashooyinka, Xisbiyada iyo Maamullada Degmooyinka.

Dhanka kale, gobolka Awdal oo isagana kaadh-bixintu saaka ka bilaabantay, waxa munaasibad lagu shaaciyey bilowga kaadh-qaybinta ka qayb-galay Gudoomiye ku-xigeenka komishanka doorashooyinka qaranka Mustafe Daahir Dhawal bulshada ku nool gobolka Awdal u soo jeediyay inay ka faa’iidaystaan fursadaas qaadashada kaadhadhka codbixinta, waxaanuu xusay marka ay dhamaadaan saddexda maalmood ee bixinta kaadhadhku ay jiri doonaan goobo gaar ah oo lagu soo reebi doono kooxo ka sii shaqayn doona bixinta kaadhadhkaas.

Masuuliyiin ka tirsan xisbiyada KULMIYE, UCID iyo WADANI oo goobtaas ka hadlay ayaa dadwaynaha u soo jeediyay inay qaataan kaadhadhkooda codbixinta.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga, wershadaha iyo dal-xiiska Maxamuud Xasan Sacad Saajin iyo wasiirka beeraha Axmed Muumin Seed ayaa guud ahaan dadweynaha ku nool gobolkaas u soo jeediyay in ay qaatan kaadhadhka si ay u soo doortaan xildhibaanada goleyaasha wakiilada iyo degaanka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net