Qaabkii uu Dhacay Weerar Dhaawacyo loogu geystay Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje iyo Goobjooge ka war-bixiyey

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakillada Somaliland, ayaa dhaawacyo ka soo gaadheen weerar Hangool (Bud) loo adeegsaday oo uu badhtamaha Hargeysa ugu geystay Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan.

Xildhibaanka waxa dhaawacyo ka soo gaadheen Madaxa iyo Gacmaha, waxaana dhaawaciisa la geeyey Cusbitaalka Guud ee Hargeysa kaddib markii uu Rifeerto Dhaawac muujin ah iyo dacwaddiisa u gudbiyey Saldhigga Dhexe ee Hargeysa.

Weerarka ayaa ka dhacay wejahadda Hore ee Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo Xildhibaanku hor-taagnaa isagoo ku hadlayey telefoon, waxaanu tirada laba dhowr jeer ku dhuftay hangool uu gacanta ku sitay Suldaanku, sida uu sheegay Axmed Cabdiraxmaan Cadami oo goob ahaa xilliga weerarka lagu bartilmaameedsaday xildhibaanka.

Waxa uu Axmed Sheegay inuu ku sugnaa barxadda hore ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo jidada Galbeed kaga beegan Wasaaradda Maaliyadda xilliga Budhka lagu garaacay Xildhibaan Guruuje.

“Xildhibaanku wuxuu hortaagnaa xafiiska Badhasaabka, dukaankii la odhan jiray Habane oo telefoon buu ku hadlayey, Suldaanku wuu lugaynayey oo wuxuu ka yimi dhinac Koonfureed (dhinaca Wasaaradda Waxbarashada), wuxuu ku dhuftay budhka ilaa afar jeer,” sidaa waxa yidhi Goob-jooge Axmed Cabdiraxmaan Cadami.

Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje oo markii dhaawaciisa lagu daweeyey Cusbitaalka Guud ee Hargeysa loo qaaday Hoyga uu magaalada Hargeysa ka deggan yahay, ayaa ka warbixiyey qaabka uu u dhacay weerarka uu Suldaan Saleebaan dhaawacyada ugu geystay.

Muuqaalka Hoose ka daawo xog-warran-ka Xildhibaan Guruuje.

Weerarkan ayaa ka dambeeyey kaddib markii Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje iyo Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan ay warbaahinta isu mariyeen hadallo xanaf leh oo ay isku dhaliileen.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net