Qaabkii Shacabka Hargeysa u soo dhaweeyey Madaxweyne Muuse Biixi iyo Weftigiisa oo dalka ku soo laabtay (SAWIRRO)

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada safar muddo saddex maalmood ah qaatay ugu maqnaa dalka Kenya, ayaa maanta ku soo guryo noqday magaalada Hargeysa, kaddib markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee Caasimadda.

Madaxweynaha iyo waftigiisa waxa garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, qaar kamida golaha wasiirada, Taliyayaasha Ciidamada kala duwan, xildhibaano, salaadiin iyo masuuliyiin kale.

Advertisement

Madaxweyne Biixi, waxa uu warbaahinta uga warramay midha-dhalka safarka uu ku tagay dalka Kenya iyo heshiisyo ay si wada-jir ah u saxeexeen isaga iyo madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyata Salaasadii shalay.

Intaas kaddib, weftiga weftiga madaxweynaha ayaa ka soo dhaqaaqay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa waxaana jidadka caasimadda si balaadhan ugu soo dhaweeyey bulshada qaybeheeda kala duwan.

Daawo Bilicda Sawirrada soo-dhaweynta madaxweynaha Somaliland

Follow us On