Qaabkii ay Ku bilaabmeen Dacwado Lagu Soo Oogey Korneyl Tuke Oo Lagu Xidhay Dalka Maraykanka

Tuke oo Maraykan ku sugan
Advertisement

Ciidammada Ammaanka ee dalka Maraykanka ayaa xabsiga u taxaabay isla markaana baadhitaan ku wada Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) oo ah sarkaal ka tirsanaan jiray Ciidamadii dowladdii Maxamed Siyaad Bare ee Soomaaliya.

Sarkaalkan oo ku magac-dheer Korneyl Tuke, ayaa gudaha gudaha dalka Mareykanka kaga socdaa baadhitaano la xidhiidha dacwado ka dhan tacaddiyo kala duwan oo uu geystay sanadihii 1980-meeyadii, waxaanay xad-gudubyadaas intooda badani ka dhaceen Gobolladii Woqooyi ee dalweynihii laysku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

Xeer-beegti Maraykan ah ayaa Saddex sanno ka hor Korneyl Tuke ku xukuntay inuu jidh-dil u geystay wiil dhallinyaro ah sannadkii 1987-kii, balse wuxuu beeniyay.

Advertisement

Xilligii dowladdii Siyaad Barre ee 1980-meeyadii waxaa Soomaaliya ka dhacay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo uu qayb ka ahaa Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) oo madax ka ahaa guuto ciidan oo caan ahayd, fadhigeeduna ahaa magaalada Gabiley ee Somaliland.

Sannadkiii 1992-dii waxa Korneyl Tuke laga caydhiyey dalka Canada oo uu qaxootinimo ku joogay ka dib markii la soo bandhigay Muuqaallo dokumentari ah oo markhaati ka noqday inuu ka dambeey dilal iyo xad-gudubyo dad shacab ah loo geystay.

Markii laga caydhiyey Canada waxa uu iska dhiiby dalka Maraykan, waxaanu shaqo ka helay shirkadda tagaasida ee Uber. Sannado kaddib, waxa isa soo tarayey eedaymaha xad-gudubyo lagu eedeyey Korneyl Tuke.

Kornayl Tuke waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ciidankii qaranka Soomaaliya ee dowladii Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa, waxaanu ka mid ahaa sarakiil tababar fiican kusoo qaatay dalka Maraykanka, sida uu sheegay qareenka u doodaya oo lagu magacabo Joseph Peter.

Korneyl Tuke ayaa ahaa Taliyihii guutada shanaad ee milatariga Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay inuu masuul ka ahaa tacaddiyo ka dhan ah bani’aadanimada oo uu ka geystay Gobolka Gabiley, iyadoo xad-gudubyada lagu eedeyey ay dhaceen sanadihii 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii, sida ku xusan warqadaha dacwadda laga gudbiyay.

Horaantii buburkii Dolwaddii Kacaanka, Korneyl Tuke waxa uu ka mid noqday saraakiil sarsare oo qaxootinimo isaga dhiibay waddamada reer galbeedka, gaar ahaan dalka Canada oo dowladda dalkaas ay muddo kadib ogaatay in loo haysto eedeymo la xadhiidha xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda bani’aadamka.

Gacan-kudhiigle Tuke, ayaa u wareegay wadanka Maraykanka, kadib markii warbaahinta CBC ee Canada ay baahisay barnaamij lagu soo bandhigay gabbood-fallada uu geystay, waxaana qaabka uu ku tagay dalka Maraykanka ka danbaysay xaaskiisa oo u soo saartay Dal-ku-galka Maraykanka oo ay dhalashadiisa heshay sannadkii 2006-kii.

Muwaadiniinta u dhashay Somaliland ee daba-socday Korneyl Tuke, ayaa dacwaddiisa u wareejiyay dalka Mareykanka, waxaana warbaahinta CNN ay baahisay muuqaal laga duubay sanadkii 2016-kii, kaas oo muujinaya booliska Maraykanka oo Kornayl Tuke ka kaxaynaya goobtii uu ka shaqaynayay oo ahayd garoonka caalamiga ah ee Dulles ee Woqooyiga Gobolka Virginia.

Tallaabada ay Ciidanka Boolisku ku kaxeeyeen, ayaa ka dambaysay kadib markii xubin katirsan Aqalka Virginia ay dalbatay in la caddeeyo sababta qof dambi loo haysto looga shaqaalaysiiyay garoonka diyaaradaha ee gobolkaas, taas oo keentay in shaqada laga eryo.

Dhibbane Farhan iyo Garyaqaanadii u doodayey oo ku faraxsan go’aanka Maxkamadda

Sannadkii 2019-kii maxkamad madani ah ayaa Kornayl Tuke ku xukuntay inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan Nus Milyan dollar ah ka dib markii lagu eedeeyay inuu jidh-dilay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Farxaan Maxamed Taani sannadkii 1987-kii.

Maxkamaddu waxa ay go’aamisay inuu Korneyl Tuke mag-dhow dhan $500,000 (Shan Boqol oo Kun oo Dollar) siiyo dhibbane Farxan Maxamed Taani oo sheegay in da’diisu ahayd 17-sanno jir markii isaga iyo dad kale oo shacab ah ay ciqaab-wadareed u geysteen ciidamo uu watay Korneyl Tuke oo uu sheegay inuu dhowr xabbaadood ku dhuftay ka hor intii aan meyd ahaan looga tagin balse nasiib-wanaag uu ka badbaaday.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement