Qaab Noocee ah ayuu u Qabsoomay Shirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye? (Daawo Barnaamijyo laga sameeyey)

 

Hargeysa (SLpost)- Shirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye oo socday muddo saddex maalmood ah, ayaa Salaasadii shalay lagu soo gebo-gabeeyey magaalada Hargeysa.

Shirweynaha oo furmay 4-tii ilaa 6-dii bishan, ayaa lagu doortay Hoggaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye, iyadoo guddoomiyaha Xisbiga mar kale loo doortay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, halka guddoomiye ku-xigeenka, 1aad, 2aad iyo 3aad-na dib loogu doortay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Axmed Cabdi Dheere iyo Xuseen Aadan Cadde. Booska Guddoomiye ku-xigeenka 4aad oo uu hore ugu fadhiyey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici, waxa loo doortay Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha Maxamuud Maxamed Xasan Sacad (Saajin), kaddib markii uu Md Saylici ka tanaasulay inuu booskaas u tartamo.

Advertisement

In ka badan 1100 Ergay ayaa ka qayb-galay shirweynaha 4aad ee Kulmiye oo lagu ansixiyey wax-ka-beddel lagu sameeyey xeer-hoosaadka xisbiga. Waxa la kordhiyey tirada Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga oo lagu soo daray xubno cusub, iyadoo sidoo kale la kordhiyey qoondada Dumarka ee xubnaha Golaha Dhexe iyo Ergooyinka Xisbiga ee ka socday Gobollada dalka.

Haddaba, Halkan waxaanu ku soo gudbinaynaa Muuqaallo laga diyaariyey Qaabkii uu u qabsoomay iyo Jewigii uu u dhacay shirweynaha Xisbiga Kulmiye muddadii 3-da maalmood ahayd ee uu ka socday magaalada Hargeysa.

Furitaanka Shirweynaha Xisbiga

Qaybta 2aad ee Barnaamijka Shirweynaha Xisbiga Kulmiye

Follow us On