Puntland Oo Shaacisay Inay Ka Dishay AL-shabaab 167 Ka Mid Ah Ciidankeedii Soo Weeraray

Puntland ayaa sheegtay inay dileen 167 ka mid ah maleeshiyadii ka soo degtay xeebaha ee ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, kuwaas oo la dagaalamay ciidamada Puntland.

 

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde, oo warkan sheegay, ayaa sidoo kale sheegtay inay Al-Shabaab ka qabteen maxaabiis kor u dhaafaysa illaa 100.

Wasiirka waxa uu sheegay in deegaanka Garacad ay ku dileen 112 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab, halka 55 ay ku dileen deegaanka Suuj.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde ayaa sheegay in dhinacooda ay ka dhinteen illaa toddoba askari, dhowr iyo tobanna ay ku dhaawacmeen.

maxaabiis Al-shaaab