Puntland Ayaa Sheegtay Inay Soo Afjartay Dagaalkii Suuj Ee Al-shabaab Kula Jireen

Suuj(Slpost)-Wararka ka imanaya deegaanadda Puntland ayaa sheegaya in dagaalkii ka socday deegaanka Suuj la soo afjaray kadib markii ciidamada Puntland ay u suurtogashay inay gaaraan toga Suuj. Maamulka Puntland waxuu sheegay in halkaasi ka saaray kooxda Shabaab.

Dhinaca kale, deegaanka Garacad ee gobolka Nugaal ayaa waxaa saaka ka billowday dagaal kale oo u dhaxeeya ciidanka Puntland iyo dagaalyahanno looga shakisan yahay inay yihiin Alshabaab.

Wax war ah oo dheeraad ah kama soo bixin dagaalka saaka ka bilowday deegaanka Garacad ee gobolka Nugaal.

Alshabaab illa iyo hadda wax war ah kama aysan soo saarin dagaalka ka socda deegaanadda Puntland