Prof Samatar Iyo Dr Maxamed Cabdillaahi Oo Ka Cudur Daartay Ka Mid Ahaanshaha Gudiga Aqoonsi Raadiska

Hargeysa(Geeska)-Prof Axmed Ismaaciil Samatar iyo Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo ahaa wasiirkii hore ee khaarajiga, ayaa si rasmi ah uga cudur daartay inay ka mid noqdaan guddiga ictiraaf raadinta Jamhuuriyadda Somaliland ee uu Madaxweyne Siilaanyo magacaabay bishii hore.

1

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in Prof Samatar iyo Dr. Maxamed, ay siyaabo kala gooni gooni ah Madaxweyne Siilaanyo ugu soo direen dhambaalo ay kaga cudur daarteen xilka uu u magacaabay ee ka mid ahaanshaha guddiga. Warka uu Geeska Afrika helay wuxuu sheegayaa in labada masuul cudur daarkooda sabab uga dhigeen iyagoon wakhti u hayn hawsha loo xilsaaray oo ay sheegeen inay tahay mid culus, iyagoo geesta kale Madaxweyne Siilaanyo uga mahadceliyay magacaabista.

Ka sokow, qoraalka cudur daarka ah, warar kale ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in labada masuul qawadeen guddiga oo la sheegay in iyadoon lagala tashan warbaahinta loo mariyay in lagu daray guddiga, waxaanay wararku sheegayaan in labada masuul aaminsanyihiin inaan guddiga lagu xulin tallo culus, taasina sabab u noqotay inay ka cudur daartaan inay ka mid noqdaan guddiga ictiraaf raadinta ee uu Madaxweynuhu magacaabay. Tirada guddiga oo aad u badan ayaa sidoo kale la sheegayaa inay dhaliileen.

Prof Axmed Ismaaciil Samatar iyo Dr. Maxamed Cabdillaahi, ayaa ka mid ah dadka ugu culus ee uu Madaxweyne Siilaanyo guddigaas ku daray, lamana garanayo in Madaxweyne Siilaanyo magacaabi doono bedelkooda iyo in kale.

Maxamed Cabdillaahi iyo wasiirkii hore ee khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis oo aan isgu guddigan ku jiran, ayaa warar uu Geeska Afrika helay sheegeen inay hore u diideen in la sameeyo guddi qaabkan oo kale ah, iyagoo ka cabsi qabay in hawlgalada guddigan iyo kuwa wasaaradda arrimaha dibaddu  isku dhacaan, maadaama oo aan weli la samayn xeer kala xadaynaya.

Prof Samatar iyo Dr. Maxamed Cabdillaahi, oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno si aanu warkan uga xaqiijino ayaanay noo suurtogelin inaanu helno.

Xigasho Geeska