Prof Cabdisalaan Yaasiin oo ka hadlay Khilaafka Kulmiye iyo Garabka uu hoggaaminayo Jaamac Shabeel

Hargeysa (SLpost)- Prof Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, ayaa ka hadlay khilaafka kala qayb-qaybiyey Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye  kaas oo sababay in maalintii shalay xubno xisbigaas hore looga saaray ay ku dhawaaan Garabka Badbaadada ee Xisbiga  oo dhawaan shirweynaha Golaha Dhexe loo muddeeyey inuu furmo magaalada Boorama oo xilligan qaban-qaabadiisu ka socoto.

 

Prof Cabdisalaan Yaasiin waxa uu ka hadlay siyaasiyiin uu hoggaaminayo Guddoomiyihii hore ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel oo isaga iyo xubno kale dhawaan laga saaray Xisbiga.

 

Prof Yaasiin oo maanta la hadlay qaar ka mid ah saxaafadda, waxa kale oo uu ka hadlay arrimo kale oo la xidhiidha doorashooyinka iyo Saami-qaybsiga kuraasida Goleyaasha Sharci-dejinta.

 

Muuqaalkan Hoose Ka Daawo Faahfaahinta Warkan