Prof.Axmed Ismaaciil Samatar Oo iftiimiyey Doorka Ganacsadu ka geysan karto Suuq-geynta Qaddiyadda Somaliland iyo Aqoonsigeeda

 

Hargeysa(SLpost)-Prof.Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay kulan uu la qaatay qaar ka mid ah ganacsatada Somaliland inuu ku ogaaday inay diyaar u yihiin ictiraaf raadinta Somaliland hadii la horkeeno istaraatijiyad dhamayastiran.

EEF5122F-A7A7-408F-895E-BF7B54D37F63_cx0_cy3_cw0_mw1024_s_n_r1

waxa uu sheegay Prof.Axmed Ismaaciil Samatar inay dhaqaale badan ganacsatadu barnaamijkaas ku taageeri lahayd, se aan wakhtigan la hayn wax siyaasad ah oo lagu raadinayo ictiraafka Somaliland. waxa uu sidan u sheegay mar uu la hadlaayay qurba joogta reer Somaliland ee dalka Nederland, waxaanu isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi “Markaan Somaliland tagaba ganacsatada aad ayaanu u wada sheekaysanaa, waxa ku jira kuwo maskaxdoodu ay sarayso oo halkay joogaan aad yaabayso, waxa ganacsatada Somaliland wadnaha ka saaran waa arinta aqoonsiga waayo LC-ga ma Furan Karaan, markaas waa inay dad kale baryaan oo ay meelo kale soo maraan, waxaan ku idhi hadii barnaamij loo dajiyo ictiraaf raadinta Somaliland idinku qaybtiina ma qaadnaysaan dawladii waa miskiin oo waxba ma haysee, markiiba hadalka way la soo boodeen oo waxay yidhaahdeen (haa) laakiin waxa ku xidhan shuruud oo yaan nalagu bilaabin lacag keena oo taas waanu ka daalnay ee hanaloo keeno barnaamijku waxa uu yahay, cida qaadaysa iyo khidadu siday tahay hanalaga dhaadhiciyo, hadii nalaga dhaadhiciyo intii taagtayada ah boqolkiiba kontana ha ahaatee waanu bixinaynaa, waxay ku tusinaysaa inay diyaar yihiin ee aaway dadkii barnaamijka caynkaas ah u soo dajin kahaa.”