Pope Francis  Oo Dhaleecayn U Jeediyay Musharaxa Colaada Muslimka iyo Miksikaanka Tusa Ee Donald Trump

Us(Slpost)-Pope Francis ayaa si daran u dhaleeceeyay musharaxa rajada ka qaba madaxtinimada dalka Maraykanka, Donald Trump. Wuxuu hadalkan jeediyay isagoo saara diyaarad dib ugu duulaysa magaalada Rome oo ka kacday dalka Mexico, wuxuu sheegay qofka ka fakara oo kaliya darbiyo la dhiso intii uu ka fakari lahaa in buundooyin la dhiso ma aha masiixi.

pope

Balse, wuxuu sheegay in uusan la ka siinaynin dadka sida ay u codaynayaan. Mr Trump ayaa ku baaqay in darbi laga dhiso xadka u dhaxeeya Maraykanka iyo Mexico. Dadka Mexican-ka ah ee sharcidarada hadda ugu nool Marayknakana dib loogu celiyo dalkooda.

Weriyaha waqooyiga Maraykanka ee BBC, ayaa sheegay in Mr Trump uu aad u dareesanaa in uu xoogga saaro masiixinimadiisa, hadalada baadarigu ay dhinacaas dhibaato uga gaysan karto.