Pakistan iyo India oo Muddo Badan Kadib Heshiis Hor-dhac ah Gaadhay

Islamabad(SLpost) – Pakistan iyo India ayaa ku heshiiyey inay sii wadaan wadahadallo mug weyn oo lagaga hadlayo arrimaha ay labada dhinac isku hayaan, kaddib kala fogaansho jiray 7 sanno. Go’aanka ayaa waxaa Islamabad kaga dhawaaqay wasiirada arrimaha dibadda ee labada dal.

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa hormar ay sameeyeen labada dal ee deriska ah, isla markaana haysta hubka nukliyeerka ah, ayna colaaddi u dhexeysay muddada dheer.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah usoo saareen labada dhinac ayaa lagu sheegay in ay ku heshiiyeen dib u bilaabida wadahadalada ku aaddan dhammaan arrimaha waaweyn ee ay isku hayaan, gaar ahaan muranka salka ku haya gobolka Kashmir iyo weerarrada argagixiso ee xuduudaha isaga gudba.

Wadahadaladii ugu dambeeyay ayaa burburay sanadkii 2008, kaddib markii mintidiin ka tallaabay Pakistan ay weerarro ka fuliyeen magaalada Mumbai ee India.

Warka qoraalka ah ayaa lagu sheegay in Pakistan ay India u xaqiijisay in ay dedejin doonto maxkamadeynta minditiinta lagu eedeeeyay in ay qorsheeyeen weerarradaasi.

Heshiiskan ayaa kusoo beegmaya todobaad kaddib markii ra’iisul wasaarayaasha labada dal, Narendra Modi iyo Nawaz Sharif, ay isku arkeen hareeraha shirka caalamiga ah ee looga hadlayo cimilada adduunka ee ka socda magaalada Paris.