Ormada Itoobiya Oo Bishii Shanaad Mudaharaadaya

Itoobiya(SLpost)-Dalka Itoobiya waxaa bishii shanaad galay mudaharaadyo ay gobolka Oromada ka wadaan dad ka tirsan qowmiyaddaasi.

ormada

Mudaharaadkan oo la sheegay inuu yihiin mid ka mid ah mudaharaadyadii ugu waqti dheeraa ee Itoobiya soo mara, ayaa boqolaal qof waxa ay ka dibadbaxayaan xadgudubyo dhanka xuquuqdooda ah oo ay sheegeen in dowladdu ay u gaysatay.

Mowjaddan qalalaasaha ee ugu dambeysay ayaa waxa ay bilaabatay bishii Nofeembar ee 2015, iyadoo hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ay sheegtay in intii ay mudaharaadyadaasi socdeen la dilay in ka badan 200 oo qof.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo weriyayaasha ayaa mararka qaar waxaa ku adkaada in ay gobolkaasi galaangal u yeeshaan, iyadoo dowladana lagu eedeeyay in deegaankaasi ay xanibaadyo ku soo rogayso.

Hasayeeshee iyadoo ay caqabadahaasi jiraan ayaa wargeyska billaha ah ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee Addis Standard waxa uu weli sii wadaa inuu tabiyo ay qabaan qowmiyadda Oromada.