Ordigan Oo Tilmaamay In Loo Baahan Yahay In Magaalo Wayn Loo Dhiso Qaxoontiga Suuriya

Turkiga(Slpost)-Madaxweynaha dalka Turkiga waxa uu soo jeediyay in magaalo cusub laga dhiso waqooyiga dalka Suuriya.

Waxa uu doonayaa in magaaladaasi la dejiyo boqollaal kun oo qof oo ka soo qaxay colaadda Suuriya oo ku sugan Turkiga.Recep Tayyip Erdogan waxa uu sheegay in magaaladaasi cusub la dhiso karo haddii beesha caalamka ay kawada shaqeyso.

Wuxuu intaa ku daray in dhulka magaalada ay ku fadhindoonto uu noqonayo shan-kun oo kilomitir oo isku wareeg ah, oo ah cabirka magaalooyiinka waaweyn ee Maraykanka. Mr Erdogan ayaa tilmaamay in qorshahaasi uu kala tashtay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, laakiin majiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Washington.

Turkiga waxa uu gadaal ka riixayaa in la helo wax uu ugu yeeray aagga nabadda ah ee Suuriya. Aagaasi ayey doonayaan in laga dhiso meel u dhow xuduudda ee dhanka Suuriya.