OGEYSIIS: Wakhtiga ay Ku Beegan Tahay Xuska Siyaaradda Sheekh Yuusuf Al-Kowneyn (Aw Barkhadle)

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Jimciyada Waxbarashada Diinta iyo Qabanqaabbinta Xafladaha & Xusaska Diiniga ah ee (Jimciyatul Axbaab) ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey wakhtiga ay ku began tahay Xuska Munaasibada  Siyaarada Sheekh Yuusuf Al-Kowneyn, Aw-barkhadle oo ku began 19 bisha Jamaadul Awal  1443 oo waafaqsan habeenka Jimcaha ee Taariikhda miilaadiga ahina tahay 24 December 2021.

War-saxaafadeed kasoo baxay xarunta guud ee Jimciyatul Axbaab ee Hargeysa oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi ayaa waxa uu u dhignaa sidan:- “Jimciyada Waxbarashada Diinta iyo Qabanqaabbinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga ah ee (Jimciyatul Axbaab), oo ah jimciyad khayriya oo xarunteeda guud tahay caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxa ay Bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, ogaysiinaysaa isla-markaasina ku boorinay-saa in ay u diyaar-garoobaan xuska munaasibada  Siyaarada Sheekh Yuusuf Al-Kowneyn, Aw-barkhadle oo ku began habeenka Jimcaha ee 19 bisha Jamaadul Awal  1443 oo waafaqsan habeenka Jimcaha ee Taariikhda miilaadiga ahina tahay, 24 December 2021.

Siyaarada Sheekha ayaa waxaa lagu qaban-doonaa sidii awal-ba caadada ahayd Qudbiga Sheekha ee deegaanka Aw-Barkhadle oo 30-km dhinaca bari ka xiga caasimada Hargeysa, kaasi oo sanad walba si joogta ah loogu qabto xuskani sheekha oo loo yaqaano Jimce Barkhadle.

Advertisement

Hadaba Jimciyatul Axbaab waxa ay kugu baraarujinaysaa isla markaana kugu boorinaysaa inaad kasoo qayb-gashid xuska Siyaarada Sheekh Yuusuf Al-Kowneyn (Aw-Barkhadle) oo ahaa macalinkii diinta ina soo-gaadhsii.

Alla Mahadleh

Sayid Maxamed Sayid Cabdilaahi X.Cilmi Nuur

Gudoomiyaha  Jimciyatul Axbaab

Advertisement