Odoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka oo La Horgeeyey Golaha Wakiillada

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Hormarinta Maaliyadda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa maanta Golaha Wakiillada horkeenay Odoroska Miisaaniyad-sanadeedka 2020-ka oo noqonaysa miisaaniyaddii 29aad ee qaranku yeesho.

Xildhibaannada Golaha Wakiilada ayaa Su’aalo Muhiima Ka Waydiiyey Miisaaniyadda 2020-ka oo uu Wasiirku Sharaxaad faahfaahsan Ka Bixiyey Siyaasadda Dhaqaale ee Dalka.

Wasiirka ayaa Iftiimiyey in Miisaaniyadda sannadka 2020-ka ay awoodda Saarayso dhinacyada Amniga, Waxbarashada. Caafimadka, Wax-soo-saarka, Doorashooyinka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Shaqo Abuurka Dhalinyarada.

Warkan oo Faahfaahsan kaga Bogo Muuqaalka Hoose