US(SLpost)-Madaxweyne Obama, ayaa ku baaqay in dulqaad loo muujiyo Muslimiinta Maraykanka.Isagoo ka hadlayay masjid ku yaal magaalada Baltimore, ayaa Mr Obama, waxa uu cambaareeyay waxa uu ugu yeeray hadalada siyaasadeed ee aan cudur daarka lahayn ee ka dhanka ah Muslimiinta Maraykanka.
Waxaa loo qaatay in Obama, uu dhaliilayo hadalo ka dhan ah Muslimiinta oo uu jeediyay ninka doonaya in uu u tartamo madaxtinimada Maraykanka Donald Trump iyo kuwa kale.
Laakiin Mr Obama, ayaa sheegay in Muslimiinta ay ixtiraam muujiyaan sida dadka kale ee Maraykanka ah.
Waa booqashadii ugu horeysay oo uu masaajid ku yaala Maraykanka ku tago tan iyo markuu xilka qabtay.