Obama Oo Booqanaya Cuba Oo Aanu 90 Sano Booqan Madaxweyne Maraykan Ah

Cuba(SLpost)-Madaxweyne Obama ayaa sheegay in socdaalka isaga xaaskiisa Michelle ay ku tegi doonaan dalka Cuba bisha soo socota uu astaan u yahay bog cusub oo u furmay xiriirka Washington iyo Havana.

160218201244_sp_cuba_obama_624x351_getty

Khudbaddiisa todobaadlaha ayuu Mr Obama ku ballan qaaday inuu xukummadda Cuba si dhiirranaan leh ugala hadli doono dimoqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha.

Maraykanka iyo Cuba ayaa dib u soo ceshtay xiriirkooda diblomaasiyadeed bishii July, ka dib in ka badan 50 sano oo cadawtinimo ay ka dhaxaysay.

Socdaalkiisa ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee madaxweyne Maraykan ah uu ku tago Cuba muddo ku dhow sagaashan sano.