Obama: Dimoqraadi Ayaa I Beddelaya November

Us(SLpost)-Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa u sheegay xubnaha xisbigiisa Dimoqraadiga, inuu hubo in qof dimoqraadi ah uu noqon doono madaxweynaha xiga ee Mareykanka.

Isaga oo khamiistii ka hadlayey magaalada Baltimore ee duleedka Woqooyi ee Washington, ayaa madaxweyne Obama waxa uu yiri “Xisbiga dimoqraadiga ayaa guuleysan doona November, waxaana yeelan doonaa madaxweyne Dimuqraadi ah oo I beddela– Waa haddii taas wax shaki ah kaaga jiro”.

Obama ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay saadaalintiisa, sababta oo ah Dimoqraadiga “Waxa ay diiraadda saaraan waxyaabaha qiimaha u leh nolosha dadka Mareykanka”. Hoggaamiyaha Mareykanka ayaa waxa uu la hadlayey sharci dejiyayaasha xisbiga Dimoqraadiga, oo ku jira fasaxooda sanadlaha ah.

Isaga oo hadal ku daraya musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, ayaa Obama waxa uu sheegay “Ma xoojin doonno hogaaminteena dunida, haddii aan u ogolaanno siyaasiyiinta inay aflagaadeeyaan muslimiinta, ama dadka Mareykanka iska horkeenaan”.

Trump ayaa horey ugu baaqay in muslimiinta laga mamnuuco inay soo galaan Mareykanka.

xigasho VOA