Nuxurka Warqad Xambaarsan Ashkato ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Xisbiga UCID u Gudbiyey Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa madaxweynaha Somaliland u gudbiyey dacwad ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Cali Maxamed Waran-cadde oo ay ku eedeeyeen inuu ku kacay tallaabo dhabar-jab ku ah Siyaasadda Dalka.

Waxa sidaas lagu xusay Warqad madaxweynaha looga ashkatoonayo dhaliilo wasiirka Arimaha Guduhu u jeediyey Xisbiyada Mucaaradka, ciwaanna looga dhigay “Dacwad ku xadgudub sharci (Wasiirka Arimaha Gudaha JSL)”, oo uu ku saxeexan yahan Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa labada Xisbi ee UCID iyo Waddani ku eedeeyey inaanay mucaaradnimadoodu ku koobneyn siyaasadda Gudaha ee dalka, balse ay jirto farogelin dibadeed oo ay u adeegayaan.

FAYSAL-NEWONEXisbiga UCID waxa uu Madaxweynaha Somaliland ka dalbaday inuu Shacabka u caddeeyo inuu wasiirkiisa Arrimaha Gudaha la qabo aragtidiisa uu ku tilmaamay Axsaabta Mucaaradka, taas oo sida ay tilmaameen haddii aan wax laga qaban qas iyo jah-wareer ku abuuri karto deggenaanshaha iyo dimuqraadiyadda dalka.

War-saxaafadeedkaas, ayaa isaga oo dhammaysitran u qornaa sidan: “Marka hore salaan qadarin iyo karaamo leh ayaanu kuu soo gudbinaynaa.

Waxaanu kula socodsiinaynaa Mudane Madaxweyne inuu Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade uu ka sii daayay warbaahinta waraysi dhabar jab ku ah hab-dhaqanka siyaasada dalka oo uu dusha uga tuuray xisbiyada mucaaridka ah ee qaranka.Waxayna noqotay lama filaan iyo u qaadan-waa.Nuxurka waraysigaasi waxuu ku soo ururaayaa laba arrimood:

1.Xisbiyada mucaaridka ah ee Qaranku inay yihiin Qaran dumis oo laga soo abaabulo, lagana soo maal geliyo Somaliya.

2.Hay’adaha amniga iyo sirdoonku inay ku hawlan-yihiin dabagalka iyo xuuraanka dhaq-dhaqaaqa xisbiyada mucaaridka iyo xuquuqda iyo xoriyaadka shacabka JSL. Taas oo toos uga hor-imanaysa dastuurka qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee amniga iyo nabadgelyada.

Annagoo kalsooni kugu qabna Mudane Madaxweyne,waxa aanu kaa filaynaa inaad shacabka u cadayso inaanad la qabin aragtida wasiirka arrimaha gudaha oo abuuri karta qas ka yimaada shacabka iyo hab-socodka dimuqraadiyada ee aynu ku dhaqano.

Sidaa darteed Mudane Madaxweyne,waxa aanu kaaga fadhinaa inaad:

A) Shacabka u cadayso inaan xisbiyada mucaaridka ah laga soo abaabulin,lagana soo maal-gelin Somaliya.

B) Xisbiyada mucaaridka ah ee qaranku inay leeyihiin awood,qadarin iyo karaamo la mid ah xisbul-xaakimka.

Ugu dambayntii, waxannu xisbi ahaan kaa dhawraynaa tallaabo waafaqsan sharciga, Distoorka iyo danta guud ee qaran, in aad ka qaaddo deel-qaafka  Wasiirka Arrimaha Gudaha. Haddii kale waxad dariiqa u furaysa inuu lumo ku- dhaqanka sharcigu (rule of law), madaxda xukuumadduna u dhaqmaan sidii xukunkii digtaatooriga ahaa ee la iska xoreeyey.”

SOMALILANDPOST.NET