Nuxurka Warqad Uu Madaxweyne Siilaanyo Shalay U Qoray Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay warqad qoraal ah u gudbiyay guddiga doorashooyinka qaranka, taas oo uu kaga dalbaday inay hirgeliyeen dib u dhigista diiwaangelinta cod bixiyayaasha ee bisha ah.

1

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, Madaxweyne Silaanyo wuxuu guddiga doorashooyinka ugu horayn uga mahadceliyay sida ay uga soo baxeen hawsha baaxadda leh ee diiwaangelinta cod bixiyayaasha oo uu qoraalkiisa ku xusay in wejigii hore oo uu ku qiyaasay 50% lagu guulaystay, rajona uu ka qabo in qaybta dambe guul laga gaadho, isagoo soo hadal qaaday in casharo badan laga bartay diiwaangelintan cod bixiyayaasha.

Sida ay xoguhu Geeska Afrika u xaqiijiyeen, Madaxweyne Siilaanyo wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in aqlabiyada dhinacyada ay khusayso diiwaangelintu ay isla qaateen dib u dhigista diiwaangelinta, isagoo xusay in shirguddoonka labada gole baarlamaan iyo labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE ay aqbaleen in diiwaangelinta abaarta jirta darteed dib loogu dhigo. Wuxuu sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo qoraalkiisa ku sheegay in xisbiga Waddani aanu la qaadan soo jeedintan dib u dhigista diiwaangelinta, waxase uu sheegay inuu xisbigaas ku boorinayo inay aqbalaan arrintan oo uu ku tilmaamay dan qaran.

Madaxweyne Siilaanyo, sida ay xogahani tilmaameen wuxuu kaloo qoraalkiisa ku sheegay inay ka go’antahay inay doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanku ku qabsoomeen wakhtiga loo asteeyay ee uu isaguna digreetada ku soo saaray, maxkamada sarena ta’kiidisay.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu kaloo ka dalbaday golaha wakiilada in kaabis iyo wax ka bedel lagu sameelyo xeerka doorashooyinka ee khuseeya soo saarista natiijada diiwaangelinta cod bixiyayaasha.

Xigasho Geeska Afrika