Nuxurka Warbixinno Golaha Guurtidu ka Dhegaysteen Guddi-hoosaadyada Siyaasadda Debedda iyo Nabadgelyada/Difaaca

Golaha Guurtida Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Golaha Guurtida Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta Warbixin kaga dhegaystay Guddid-hoosaadyo qaabilsan Arrimaha Debedda iyo Nabadgeylada ee golahaas.

Fadhiga maanta oo uu shir gudoominayey Guddoomiye ku-Xigeenka labaad ee Golahaasi Md Siciid Jaamac Cali, waxa ay mudanayaashu Guddi-hoosaadyada ka dhegaysteen warbixin ku saabsan siyaasadda Arrimaha dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah iyo  Nabad-gelyada & Difaaca.

Golaha Guurtida Somaliland
Golaha Guurtida Somaliland

Xildhibaan Sahal iidle Dirir waxa oo ah gudoomiyaha guddi hoosaadka siyaasadda arrimaha dibadda oo warbixinta ka hor jeediyey golaha ayaa sheegay in siyaasadda arimaha dibadda ee Somaliland ay mudooyinkan dambe noqotay mid aad looga hadal hayo shaarica dadweynaha Somaliland, waxana uu xusay in wadankani yahay mid ay shacabkiisu u hamuun qabaan aqoonsi caalami ah oo ay ka hesho beesha caalamka.

Warbixinta guddi hoosaadka siyaasadda arimaha dibadda ee Golaha guurtida Somaliland waxaa loogu soo jeediyey talooyin ay ka mid yihiin:

-Wasaaradda arimaha dibadda inay dardargeliso isla markaana kordhiso tayadooda xafiisyada ay Somaliland ku leedahay dalka dibadiisa.

-In shacab iyo golayaalba la is dhinac taago qorshayaasha xukuumadda eek u taxaluqa siyasadda dibadda ee Somaliland.

-In Wada-hadaladii u socday labada Dal ee Somaliland iyo Somalia la sii ambaqaado, goob kastana laga caddeeyo madaxbanaanidasomalialnd.

Geesta kalena Guddi hoosaadka arimaha nabadgelyada iyo difaaca ee Golaha guurtida ayaa golaha uga talo bixiyey durufaha nabadgelyo ee inagu xeeran, waxayna soo jeediyeen in la adkeeyo amniga xuduudaha dalka, lana hubiyo dadka soo galootiga ah ee soo tallaabaya.

Somalilandpost.net