Nuxurka War-murtiyeedka Kullan Kooxaha Soomaaliya Kaga Arrinsanayeen Doorasho aan bulshadu codaynayn Iyo Somaliland Oo Lagu Soo Hadal qaaday

 

 

 

 

Muqdisho(SLpost) – Kulan ay magaalada Muqdisho ku lahaayeen labadii maalmood ee u dambeeyay madaxda xukuumadda Muqdisho iyo maamul goboleedada hoos taga ayaa laga soo saaray warmurtiyeed ku aadan qorshe gogol xaadh u ah doorasho Soomaaliya ka dhacda 2016-ka.

 

 

Kulankan oo lagaga arrinsanayay hanaanka doorasho ee ku haboon Soomaaliya sanadka 2016-ka maadaama aan la qaban Karin doorasho hal qof iyo cod ah (1 man 1 vote), waxaa laga soo saaray qodobo lagu sheegayo in wada tashiyo dheeraad ah la sameeyo.

 

 

Qodobka Lixaad ee warmutiyeedkan ayaa lagu soo hadal qaaday in bulshada Somaliland qayb ka noqoto qorshahan wada hadal ee lagu doonayo doorasho Somalia ka dhacda sanadka 2016-ka. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka hirgalay doorashooyin xor iyo xalaal ah oo bulshadu soo doorato cidda ay doonto, halka doorashadan maanta Soomaaliya ka tashanaysana ay Somaliland ka soo gudubtay ku dhawaad 20 sano ka hor.

 

 

Tawaawacan ah in Somaliland ka qaybqaadato ka tallo bixinta doorasho aan xor ahayn oo Soomaliya ka dhacda ayaa waxa uu imanayaa maalmo kadib markii wasiirada iyo xildhibaannada Somaliland ka soo jeeda ee Muqdisho u xil doontay sida fiinta uga qayliyeen kulankan oo ay sheegeen inaan cid Somaliland ka soo jeeda lagu darin, iyaga oo xusay in aan midnimo dambe oo laga raadiyo labadii dal ee Somali republic la isku odhan jirayna aannay ahayn mid suurogal ah.

 

War_mutiyeedkii_Shirka_1

 

Somalilandpost, Hargiesa Office, 2015