Nuxurka War-murtiyeed laga soo saaray Shirweynihii u horreeyey Noociisa oo lagu lafo-guray Adeegyada Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa waxa gelinkii dambe ee maanta lagu soo gebo-gabeeyey Shirweynaha Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Somaliland oo maalintii shalay uu daah-furay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Shirweynahan oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Somaliland oo gacan ka helaysa wasaaradda Maaliyadda isla markaana ay ka qayb-galeen in ka badan 20 shirkadood oo bixiya adeegyada Isgaadhsiinta iyo farsamada Technoolajiga Casriga ah, ayaa noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee lagu qabto dalka, waxaana ujeeddadiisa loo soo qaban-qaabiyey oo ka duulaysa siyaasadda Wasaaradda Isgaadhsiinta ee uu hoggaamiyo Wasiirka Wasaaraddaas Dr. Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi Muxumed, ayaa loogu talo-galay sidii kor loogu qaadi lahaa laguna dhiirri-gelin lahaa adeegyada Tiknoolajiga iyo Isgaadhsiinta ee ka jira dalka si loola jaan-qaado heerarka caalamka horumaray.

Shirweynaha oo isugu jiray Falan-qeyn iyo Doodo laga yeeshay adeegyada Isgaadhsiinta iyo tiknoolajiga iyo sidoo kale Carwo ay shirkaduhu ku soo bandhigeen adeegyada ay bulshada u qabtaan, waxa gunaanadkiisii soo af-meeray oo goob-joog kahaa wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiga Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi iyo Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire.

Wasiirka Wasaaradda Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi oo munaasibadda gunaanadka shirweynaha ka hadlay, ayaa falan-qeyn iyo doodo lagu lafo-guray Arrimaha isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda kaddib, waxa madasha ka akhriyey war-murtiyeedkii laga saaray.

Faahfaahinta Warkan iyo War-murtiyeedka laga soo saaray Shirweynaha kaga bogo Muuqaalka Hoose, daawo wacan.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net