Nuxurka Sagaal Qodob oo Gun-dhig u ah Go’aanka Maxkamadda Sare ee Muranka Natiijada Doorashada Kenya

Nairobi (SLpost)- Maalmaha soo socda waxa laga filayaa Maxkamadda Sare ee Kenya in ay go’aan ka gaadho khilaafka ka taagan natiijada doorashada madaxweynaha dalkaas oo uu kasoo hor jeestay Raila Odinga.

William Ruto oo ay guddiga doorashadu ku dhawaaqeen in uu ku guuleystay doorashada madaxweynaha ayaa ka mid ah dadka sida weyn u sugaya go’aanka maadaama uu kala xaqiiqsanayo in xilka loo dhaarin doono iyo in howsha doorashada mar kale dib loogu laaban doono.

Tan iyo horaantii Isbuucan waxay maxkamaddu dhageysaneysay doodaha iyo jawaabaha ay bixinayeen qareennada dhinacyada isku haya dacwadda oo kala Raila Odinga, William Ruto iyo Guddiga doorashada.

Ka hor inta aanay garsooreyaashu go’aankooda soo saarin waxay eegayaan sagaal arrimood oo ay ku xaqiijinayaan hannaankii loo maray doorashada.

Sagaalka Arrimood ee Maxkamaddu Eegayso ayaa kala ah:

  1. Haddii ay Teknoolajiyadda Guddiga Doorashooyinku buuxisay heerar ku dheehan daacadnimo, hubin iyo sugnaan amni si loo dammaanad-qaado natiijo sax ah oo la xaqiijin karo.
  2. Haddii ay jirto faro-gelin lagu sameeyey foomamka laga keenay xarumaha codbixinta markii la baahiyey.
  3. Haddii uu jiro farqi u dhexeeya foomamka 34A ee la geliyey bogga IEBC, kuwa laga helay xarunta Qaran ee tirinta codadka iyo kuwa ay soo gudbiyeen wakiillada xafiisyada codbixinta.
  4. Haddii dib-u-dhigistii doorashada guddoomiyeyaasha gobollada, baarlamaanka iyo Golaha deegaanka ee siddeed goob-doorasho loo sameeyey si loo carqaladeedayo dacwad-soo-gudbiyeyaasha.
  5. Haddii uu jiray farqi aan la sharrixi karin oo u dhexeeya codadka la dhiibtay ee murashaxiinta madaxweynaha iyo xilalka kale ee Doorashada.
  6. Haddii Guddiga IEBC uu xaqiijinta, tirinta codadka iyo shaacinta natiijada uu maray hab waafaqsan dastuurka.
  7. Haddii madaxweynaha la doortay uu haysto 50%+1 cod, dhammaan codadka loo dhiibtay si waafaqsan dastuurka.
  8. Haddii ay jiraan waxyaabo is-daba marin iyo sharci-darro ah oo awood u leh saamaynta natiijada doorashada madaxweynaha.
  9. Go’aamada iyo awaamiinta ayay maxkamaddu soo saari kartaa ama dammaanad-qaadi kartaa.

Qareennada Raila Odinga ayaa intii ay dacwadda maxkamadda socotay ku dooday in khaladaad lagu sameeyay doorashada, nidaamkii saxda ahaana aan loo marin, balse sharci-yaqaannada difaacaya Guddiga Doorashada ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashadaas.

Sidoo kale, waxa dagaalka maxkamadda qeyb ka ahaa qareennada ka socday dhinaca Madaxweynaha la doortay, William Ruto, oo dhankooda beeninayay eedeymaha ka imanayay dhinaca hoggaamiyaha mucaaradka.

Madaxa Caddaaladda ee Kenya, Martha Koome, oo hoggaamineysa garsooreyaasha 7-da xubnood ka kooban ee maxamadda ugu sarreysa, ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gabogabeysay dhageysiga dacwadda.

Waxa la filayaa inay Xukunka kiiska soo saaraan maalinta Isniinta ah, balse waxa laga sugayaa inay shaaciyaan ogeysiis ku saabsan xilliga ay go’aanka ku dhawaaqayaan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net