Nuxurka Qodobbo Laga Soo Saaray Shirka Amniga Qaranka Somaliland

Hargeysa (SLpost) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan ballaandhan oo lagaga arrinsaday Amniga Qaranka, kaas oo ku qabsoomay Taliska Ciidanka ee caasimadda Hargeysa.

Shirka oo qayb ka ah kulamada joogtada ah oo hay’adaha Amniga ee Dalku isugu yimaadaan, waxa ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan ee Somaliland.

Kulanka oo aanay saaxafaddu goob-joog ka ahayn, waxa go’aamada ka soo baxay lagu faahfaahiyey war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, shirka amniga Qaranka ee maanta ku qabsoomay xarunta miiska saraakiisha, waxa laga soo saaray qodobbada hoose ku xusan;

1- In la adkeeyo amniga Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaanba amniga Guud ee Dalka.

2- In Maalmaha Ciida iyo guud ahaanba bisha barakaysan ee Ramadaan inta lagu guda jiro in la la xoojiyo amniga, ciidamo dheeraad ahna la geeyo Suuqyada Caasimadda iyo Magaalooyinka kale ee waaweyn.

3- Waxaa la farayaa bulshada ku Ganacsata suuqyada waaweyn ee Caasimada Dalka in ay ka fogaadaan wadooyinka, si aanay u xanibin isu socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha maalmaha Ciidda.

4- Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee nabadda jecel waxaa la farayaa in ay feejignaadaan ciidamada nabadgelyadana ay gacan ku siiyaan ilaalinta Nabadgalyada.

5- Waxaa lala socodsiinayaa Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland in ay ka feejignaadaan dhibaatada uu dabku leeyahay ama laydhku, kana taxadaraan, waxaana la farayaa shirkadaha bixiya adeega Laydhka in ay nidaamiyaan xadhka laydhka, ayna mariyaan meelaha hoose sida dhulka hoostiisa.

6- Waxaa la farayaa Ciidamada nabadgelyada in ay xoojiyaan amniga inta lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan, maalmaha Ciidda, una diyaar garoobaan adkaynta amniga maalinta Qaranka ee xuska 18 ka May ee loo diyaar garoobayo.”