Nuxurka Qodobbada Ku jira Mooshin 20 Xildhibaan ka Gudbiyeen Hay’adda Caymiska Qaranka

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaanmo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa golaha u  gudbiyay mooshin la xidhiidha hab-raaca xil-gudashada hay’adda Caymiska Qaranka iyo Fulinta Qaraar ay Maxkamadda Sare ee dalka dhawaan ka soo saartay dacwad laga gudbiyey hay’adda Caymiska Qaranka.

Mooshinkan oo ay golaha u gudbiyeen 20 mudane oo ka tirsan xildhibaannada Aqalka Hoose ee dalka, ayaa ujeeddadiisu tahay sidii Goluhu go’aan uga soo saari lahaa hab-raaca sharci ee Xil-gudashadda hay’adda Caymiska Qaranka

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Cabdirashiid Cabdilaahi Cagaweyne, ayaa fadhigii maanta Golaha ka hor-akhriyey Mooshinkan oo ay ku saxeexan yihiin magacyada 20 xildhibaan.

Waxa ay xildhibaannadu soo-jeedintooda ku sheegeen inay Mooshinkan soo-gudbintiisa u cuskadeen qodobka 42aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiiladda Somaliland ee xeer LN.12/2020 oo dhigaya in ay mudaneyaashu xaq u leeyihiin in ay soo gudbiyaan oo ay soo qoraan codsi mooshin, kaasoo ay ku soo hagaajinayaan xoghayaha guud ee golaha Wakiilada, sidoo kalena ay maanka ku hayaan nuxurka ku tilmaaman xeerka Caymiska qaranka 92/2021 iyo ahmiyadda balaadhan ee ay xanbaarsan yihiin addeegyadda ay hay’adda Caymisku Qaranku u xil saaran tahay.

Waxa kale oo ay xildhibaannadu sababaha mooshinka ay soo gudbiyeen ku sheegeen iyagoo ahmiyad siinaya cabashooyin ay golaha Wakiiladda u soo gudbiyeen gaadiidleyda dalka, iyagoo tixgelinayaduruufaha iyo qabyo ka muuqata Caymiska.

Mooshinka ay xildhibaannadu Golaha u soo gudbiyeen, waxa ay ku sheegeen in Go’aan Gole laga soo saaro Qodobbo ay ka mid yihiin:

  • In Goluhu ayido Go’aankii Maxkamadda Sare dhawaan ka soo saartay Dacwad laga gudbiyey hay’adda Caymiska 18-kii bishan September 2021-ka.
  • In ha’yadda Caymiska Qaranku xilkeeda u gudato si waafaqsan dastuurka dalka iyo shareecadda Islaamka.
  • Iyo in ha’yadda Caymiska qaranku hakiso, dhamaanka adeegyadii Caymiska ee ay shirkaduhu bixiyaan.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Xildhibaan Cabdirashiid Cagaweyne oo si faahfaahsan uga warramay asbaabaha sharci ee uu xambaarsan yahay Mooshinka ay Goleweynaha u gudbiyeen

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net