Nuxurka Kulan Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Xafiiskiisa kula Qaatay Madax ka tirsan Hay’adda Miino-saarka ee HALO TRUST

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Ismaacil Cabdilaahi (Saylici), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka soo socota hay’adda Miino-saarka ee Hallo Trust oo dalka ka hawl-gasha.

Warsaaxafaadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul oo lagu faahfaahiyey nuxurka kulanka madaxweyne ku-xigeenku la qaatay masuuliyiinta hay’adda Halo Trust, ayaa u dhignaa sidan: “Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hogaaminaayey Agaasimaha Guud ee Hay’adda Miino saarka ee Hello Trust, Mr. Guy Willoughby.

hallo trust_Saylici

Madaxweyne ku xigeenka JSL, oo kulankaasi hadalkooban ka jeediye y ayaa ku soo dhaweeyey weftiga socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland waxaanu uga mahadceliyey dedaalka ay Hay’adda Hello Trust ugu jirto la tacaalida iyo miino saarka waxaanu ku baraarujiyey inay sii kordhiyaan oo ay sii laban-laaban dedaalka ay ugu jiraan miino ka saarida deegaanada kala duwan ee Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay inay weli jirto baahidii miino saarku isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la sii xoojiyo hawlaha miino baadhka si ay taasi meesha uga saarto dhibaatada iyo waxyeelada ay miinadu ku hayso dadka iyo xoolahaba.

Waxa isna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Miino saarka ee Hello Trust, Mr. Guy Willoughby oo tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay isaga iyo weftigiisuba kulanka qaabilaada ee uu kula yeeshay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland xafiiskiisa iyo sidii loogu soo dhaweeyey dalkaba.

hallo trust_Saylici (1)

Waxaanu tilmaamay agaasimaha guud ee Hay’adda Miino saarka Hello Trust, is bedelka baaxda leh ee ka muuqda Somaliland, marka la eego dhinacyada Amniga iyo horumarka (booqashadaydii ugu danbaysay ee aan ku imid Somaliland waxay ahayd 5 sanno ka hor, maanta waxa iiga muuqda isbedel la taaban karo oo dhinacyada dhismaha, Amniga iyo horumarka.

Waxaanu sheegay in hay’adda hello Trust si ay taasi u sii dhiiri geliso ay ka qaadan doonaan kaalintooda wax ku oolka ah, waxaanu balan qaaday inay sii kordhin doonaan hawsha ay ka hayaan Somaliland, isla markaana waxa uu tilmaamay in hay’dadoodu oo ay Somaliland ka shaqaynaysay tan iyo 1999-kii ay ha hawl-galaan 600 oo miine-baadhe ahi, imikana ay ku talo jiraan inay sii kordhiyaan,

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

 Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.