Nuxurka Kulan Dhexmaray Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland iyo Wasiirka Afrika U Qaabilsan Dawladda Ingiriiska

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka dawladda Britain u qaabilsan Afrika Mr Mark Simmonds, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay isla markaana ay kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo socdaal shaqo ku jooga Ingiriiska.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland, ayaa lagu sheegay nuxurka kulanka dhexmaray labada wasiir kaas u dhignaa sidan:

Birtian_Somaliland“Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxa uu fursad u helay oo uu Wasiirka dawladda Britain u qaabilsan Afrika Mr Mark Simmonds, warbixin dheer ka siiyay doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka ee 28-kii bishii November ee la soo dhaafay ka qabsoomay dalka, taasi oo uu tilmaamay in qaranka Somaliland ku muujiyay sii xoojinta hanaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka.

Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu uga mahad celiyay dawladda Britain kaalintii dhaqaale ee ay ka geysteen doorashooyinka Somaliland.

Waxa kale oo uu Wasiirka Khaarajiga Somaliland ku ammaanay dawladda Britain dhaqaalaha ay ku bixiso sidii loo sii xoojin lahaa dhinacyadda ammaanka iyo doorashooyinka.

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay dawladda Britain-na uga mahad celiyay siday u fududaynayso jawiga ay ku wada hadlayaan labada dal ee Somaliland Iyo Soomaaliya, waxaanu xusay inay Somaliland diyaar u tahay inay la sii wado wada hadaladii labadaas dal dawladda Madaxweyne Xasan-ka Soomaaliya oo imika uun dhisay dawladiisii.

Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu dawladda Britain u cadeeyay inay Somaliland Sii wadayso la dagaalanka Budhcad badeedda iyo argagixisadda Geeska Afrika.

Wasiirka Afrika ee dawladda Ingiriiska Mr. Simmonds, oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay dawladiisu sii wadayso taageeradda kala duwan ee ay Somaliland kaga saacido dhinaca horumarinta.

Mr. Simmonds, waxa uu sheegay inay dawladda Britain ku faraxsan tahay inay fududayso wada hadalka u dhaxeeya Somaliland Iyo Soomaaliya.

waxa lagu sheegay in labada Wasiir ay kaga wada hadleen kulankaasi sidii kor loogu qaadi lahaa in Ingiriisku maal-gashu ku sameeyo wadanka Somaliland.

Ugu dambayn waxa Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar uu ku marti-qaaday Wasiirka Afrika u qaabilsan Britain inuu socdaal rasmi ah ku yimaado Somaliland si uu indhihiisa ugu soo arko xaaladda guud ee Somaliland.”

SOMALILANDPOST.NET