Nuxurka Kulan Dhexmaray Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland iyo Maamullada degmada Ceerigaabo iyo Gobolka Sanaag

 

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Axmed Sawaaxili, ayaa maanta kulamo la qaatay Masuuliyiinta u saraysa Maamullada Gobolka Sanaag iyo kan Degmada Ceerigaabo.

Kulanka oo ku qabsoomay Xafiiska badhasaabka gobolka, waxa goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Axmed Sawaaxili, Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Cali (Tiimbaro) iyo Maayarka degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur.

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii wadajir looga wadashaqayn lahaa in magaalada Ceerigaabo yeelato loona yagleelo Ciidan Dabdemis oo tayaysan isla markaana ka hawlgali kara Gurmad kasta oo yimaada.

Badhasaabka gobolka Sanaag iyo Duqa Degmada Ceerigaabo oo kulanka ka hadlay ayaa si weyn u soo dhaweeyay una bogaadiyay waxqabadka Ciidanka Dab-demiska, waxaanay tilmaameen baahida ay Ceerigaabo u qabto Ciidan Dab-demis, iyagoo xusay tiro dab ah oo ka dhacay magaladaas taasoo ay adkaatay maarayntoodu.

Sidoo kale masuuliyiinta ayaa ballanqaaday waxkasta oo looga baahdo inay diyaar u yihiin talo, tusaale iyo sidii loo samayan lahaa Ciidan Dab-demis oo dhankastaba ka dhisan.

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska ayaa isaguna dhankiisa uga mahadnaqay masuuliyiinta Gobolka iyo Degmadaba sida ay diyaarka ugu yihiin in Ceerigaabo loo sameeyo ciidan Dab-demis, waxaanu warbixin ka siiyay masuuliyiinta aasaaskii Dabdemiska iyo halka uu maanta marayo iyo waxyaabaha laga doonayo in laga wada shaqeeyo.

Dhanka kale wuxuu taliyuhu tilmaamay in ay ka go’antahay in Ceerigaabo loo sameeyo Ciidan cudud ahaan iyo xirfad ahaanba dhisan.

Ugu dambayn waxaa laysla qaatay in si wada jira looga shaqeeyo diyaarinta xubnaha loo tababarayo inay noqdaan Ciidanka Dab-demiska Degmada, intaa kadibna la gudagalo hawlaha kale ee muhiimka ah ee ku saabsan aasaaska Ciidanka ee magaaladaas.

 

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dabdemiska