Nuxurka Kulan arrimo xaasaasi ah lagaga hadlay oo dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Raysalwasaaraha Itoobiya

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa kulan kula qaatay magaalada Addis Ababa Raysal-wasaaraha Dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn oo xafiiskiisa ku qaabilay, waxaanay labada hoggaamiye ka wada-hadleen arrimo khuseeya danaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee ka dhexeeya labada waddan.

siilannyo-1Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, madaxweyne Siilaanyo iy wefti uu hoggaaminayo oo maalintii dorraad safar ugu kicitay dalkaasi Itoobiya, waxa ay madaxweyne Siilaanyo iyo Raysalwasaare Desalegn ka wada-hadleen qorsheyaal ku saabsan dekedda Berbera iyo tayaynta Jidadka isku xidha labada waddan.

War-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska war-qabadka ee Somalilandpost.net, ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa 29. 10.2016 kulan la qaatay Raiisal Wasaaraha Dalka Itoobiya mudane Hailemariam Desalegn waxayna ka wada hadleen Xidhiidhka qotada dheer leh ee u dhexeeya labada dal iyo arrimo Khuseeya danaha labada dal. Labada hoggaamiye waxay kulankan is weydaarsadeen aragti iyo aaraah la xidhiidha sidii loo sii xoojin lahaa loona wanaajin lahaa iskaashiga xagga Ganacsiga, Maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee labada dal.

Labada hoggaamiye waxa kale oo ay ka wada hadleen tayaynta iyo dar-dargelinta jidadka labada dal isu xidha iyo weliba horumarinta iyo casriyeynta Dekeda Caalamiga ah ee Berbera, arrintanina ay labada dalba faa’ido ugu jirto; gaar ahaan dalka Itoobiya oo ay ka go’an tahay in Dekeda Berbera ay uga faa’iidaysato horumarinta iyo koboca dhaqaaleheeda iyo Xidhiidhka Ganacsi ee ay Ethiopia la leedahay Caalamka.

Sidoo kale labada hoggaamiye waxa kale oo ay isu waafaqeen ka wada shaqaynta arrimaha Amniga iyo xasiloonida labada dal iyo la dagaallanka kooxaha arga-gaxisada ah ee mandaqda ka wada nabadgelyo darrada,” sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr).

SOMALILANDPOST.NET