Darar-weyne (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta furay Kulliyadda tababarka ciidamadda qalabka sida ee dalka oo laga furay dugsigii hore ee Milatariga ee Magaaladda Darar-weyne oo 30 Km Woqooyi Bari kaga beegan caasimadda Hargeysa.
Kulliyadda ciidamadda qalabka sida ee dugsiga Darar-weyne laga furay ayaa laga hirgeliyay dhismeyaal kala duwan oo loogu tallo galay saraakiisha ciidammadda ee lagu tababari doono, iyadoo maantaba ay galeen dufcadii u horreysay ee saraakiisha ciidammadda kala duwan ee dalka.
Xafladii loo sameeyay furitaanka Kulliyadda ciidammadda waxa kale oo ka soo qeyb galay Wasiirro, Taliyeyaasha ciidammadda dalka noocyadooda kala duwan, Xildhibaano iyo masuul tiro badan oo ka tirsan xukuumadda Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in furitaanka akaadamigani uu qeyb ka yahay qorshaha xukuumadda ee lagu tayaynayo ciidammadda.
HALKAN KA DHEGAYSO
SOMALILANDPOST.NET
contact@somalilandpost.net