Nuxurka Heshiis Dhexmaray Dowladaha Somaliland iyo Djibouti

Lawyacaddo (SLpost)- Shir lagaga Wada-hadlay Arrimaha Nabad-gelyada Xuduudaha Labada waddan ee Somaliland iyo Djibouti iyo Fududaynta Isku Socodka Dadka, ayaa ku Qabsoomay Magaalada xuduudda ku taalla ee Lawyacado.

Shirkaa oo uu Shir-Gudoominayay Badhasaabka Gobolka Salel Mudane mawliid Maxamed Nuur, oo ay Goob joog ka ahayeen Dhamaan Lamaha ay khusayso sida Wasaarada Horumarinta Maaliyada iyo Ciidanka Socdaalka iyo Safiirka Dalka Djabuuti, ayaa la is Meel Dhigay Lacagaha laga Qaado Dadka iskaga Gudbaya Labada wadan iyadoo la is la Meeldhigay Qodobo Muhiima oo loo Qaaday Dhinaca Horumarka, Nabad-gelyada, diblomaasiyadda iyo Dhaqaale Ahaanba.

Qodobbada ay labada dowladood ku heshiiyeen ee la kala saxeexday ayaa kala ah:-

1. In Dadka ka soo galaya dhinaca Djibouti ee Sita Dhamaan Aqoonsiyada Kala Duwan Ee Sharciga ah ee Dalkaas  laga Qaado $16
2. In Dadka Ka baxaya dhinaca Somaliland Aan Waxba laga Qaadin oo ay ku gali doonaan Si Lacag La’aan ah
3. In Dadka Wata Dalku Ku Galka (passport) ama Aqoonsiga Dhalashada (ID card)-ka Somaliland laga Qaado 30,000sh Marka uu Soo Galayo,

Ugu Dambayn Guddomiyaha Degmada Saylac, Safiirka Somaliland U Fadhiya Djibouti Cabdifataax Siciid Axmed Iyo Gudoomiyaha Gobolka Salel Mawliid Maxamed Nuur, ayaa kula Dardaarmay Laamaha Ku Shaqada leh in ay Howshaa u Gu’taan si Muwadinimo iyo Howlkarnimo leh.

Xigasho: Wargeyska Dawan