Nuxurka Go’aamo Ka Soo Baxay Shir Qaran Oo ku Qabsoomay Madaxtooyada Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Qasriga Madaxtooyada ee Somaliland waxa maanta ku qabsoomay shir heer qaran ah oo ay isugu yimaaddeen madaxda saddexda Xisbi, waxaana shirka lagaga arrinsaday xaaladda gobolka Sool iyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.

Shirka Qaran waxa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne ku-xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo Guddoomiyeyaasha Labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo Waddani.

Shirka ayaa markii uu soo dhammaaday waxa saxaafadda la hadlay masuuliyiinta sar-sare ee saddexda Xisbi Qaran oo faahfaahin ka bixiyey Qodobbada laga wada-hadlay.

Shanta Qodob ee ka soo baxay Shirka, ayaa kala ah:-

1. In arrinta Laascaanood si nabada lagu dhammeeyo oo laga fogaado wixii colaadda sii hurin kara.

2. Saddexda Xisbi Qaran waxay soo dhaweeyeen, taageersan yihiinna xabbad joojinta xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku dhawaaqday, dhinaca kalena waxay ugu baaqeen inay aqbalaan xabbad joojinta.

3. In Khilaafkii doorashooyinka laga wada hadlo, si xal looga gaadho, iyadoo loo xilsaaray saddex xubnood oo xisbi walba laga soo xulay, si ay u soo ururiyaan talooyinka kulanka kan xigana u soo muddeeyaan.

4. In loo gurmado dadka ka barakacay magaalada Laascaanood, sida ugu dhakhsaha badanna kaalmo loo gaadhsiiyo.

5. In arrimaha Qaranka si wada jira loo wajaho lagana wada tashado.