NORWAY: Qoys Soomaali ah oo Xalay Saqdii Dhexe lagu Gubay Guri ay Degenaayeen

Ulstein(SLpost) — Qoys Soomaali ah oo degenaa magaalada Ulstein ee dalka Norway ayaa xalay lagu gubey gurigooda, iyadoo ciidamada booliiska dalka Norway ay sheegeen inay baadhayaan falka lagu gubay guriga ay deggenaayeen qoyskan Soomaalida ah.

Guriga ayaa waxaa ku nool 12-qof oo Soomaali ah oo lix ka mid ah ay ahaayeen carruur, waxaana bannaanka guriga laga helay caagad baasiin laga daadiyay oo loo malaynayo in loo adeegsaday gubidda gurigan.

Ciidamada booliiska Norway ayaa xaqiijiyay inayna jirin cid ay khasaare kasoo gaadhay dabka la qabadsiiyay gurigan, balse ay waxyeello ay soo gaadhay guriga, isla markaana ay baadhitaanno socdaan.

Illaa hadda lama oga sababta loo gubay guriga ay qoyskan Soomaalida ahi ku noolaayeen, balse waxaa loo badinayaa inay qayb ka tahay isir-naceybka ka dhanka ah dadka soo galootiga ee kusii kordhaya waddamada reer galbeedka.

Wariye Cumar Cabdi Afey oo deggen dalka Norway ayaa VOA-da u sheegay in xalay saqdii dhexe la gubay guriga, waxaana booliiska dalkaas ay sheegeen in falkan uu yahay mid si ula-kac ah loo sameeyay.

“Qoyska Soomaalida ah ee gurigooda lagu gubay xalay waxaa la dajiyay goob nadoon oo ku taalla magaalada Ulstein, sida ay booliisku xaqiijiyeen,” ayuu mar kale wariyuhu u sheegay VOA-da. Waxaanu intaas ku daray in la qiyaasayo in qaxooti nacaybka kusoo kordhayay waayadii dambe dalalka Scandinavian-ka ee Qaaradda Yurub ay salka ku hayso gubidda gurigan.

Sidoo kale, wariyaha ayaa sheegay in reerkan mar sii horreysay lasoo weeraray, iyadoo aan la ogeyn illaa hadda sababta loo weeraray, iyadoo aan la ogeyn inay xidhiidh leeyihiin falkan lagu gubay gurigooda iyo weerarkii horay loogu geystay.

Dhanka kale, Wariye Cumar Afey oo wax laga weydiiyay dhacdo ka dhacay isla Norway dhawaan oo ay booliiska dalkaas xabbad ku dhufteen gabar Somali ah oo ay ka shakiyeen ayaa sheegay in falkaas uu ahaa mid laga naxo.

“Gabadha Soomaaliyeed oo ahayd hooyo ilmo dhashay ayaa waxaa lagu dhuftay xabbadda xilli galab ah, waxaanan ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee gabdhan soo dul is-taagay, booliiskuna waxay ku doodayeen in gabadhu ay wadatay middi oo ay doonaysay inay ku geysato dhibaato, balse ayna haysan waqti ay uga qaadaan midida sidaasna ay xabbadda ugu dhufteen, falkaasna wuxuu ahaa mid aad looga wada murugooday,” ayuu hadalkiisa ku daray Wariye Cumar Afey.

Ugu dambeyn, shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Norway ayaa dhigay kacdoon ay uga soo horjeedaan falkaas, kuwaasoo sheegayay inay dhici karto siyaabo kale midida ay wadatay looga qaadi karayey, iyadoo weli ay socoto dacwadda arrintan.