“Ninkii Aan Isku Hubin inuu Soo Baxayow, Inaad Madaxweyne U Tartantaba Maaha” – Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye, ayaa jawaab adag ka bixiyey hanjabaad xalay ka soo yeedhay xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani oo ka soo horjeestay furista ururrada siyaasadda oo xeerkiisu horyaallo Golaha Wakiillada Somaliland.

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga, waxa uu sheegay inay xisbi ahaan iyo xukuumad ahaanba diyaar u yihiin inay mar saddexaad la tartamaan ururrada cusub ee la furayo isla markaana ay kalsooni buuxda ku qabaan xisbi ahaan inay mar saddexaad soo noqdaan.

Guddoomiye Axmed Cabdi Dheere waxa uu hoggaanka xisbiyada Mucaaradka ugu baaqay inaanay bulshada la hor-iman hankooda hoggaamineed haddii aanay kalsooni ku qabin in xisbiyadoodu tartanka ururrada ka soo bixi karin.