“Ninka Xoolaha Ummadda Imika Haysta Haysku Dooran – Waa Waraabe Aad Ku Tidhi Adhiga Ii Raac NIMAAN KUU TUDHEYN YAANU KUU TALIN.” Musharax Jamaal

 

Weligay Maan Arag Nin Madaxtinimo U Tartamaya Oo Xoolahii Ummadda Xoog Ku Haysta Dhul, Beero, Iyo Guriyo ah Hanti Ummaddeed oo haddana Ku leh waxaan ahay Murashax Madaxweyne ee i dooro Barwaaqo ayaan ku gaadhsiinayaaye – Somaliland ayuunbay tani ka suurta gashaa. Caalamka tani kama dhacdo. Waa indho adkaantii ugu weynayd. Indho adkaantiina kolba way sii durkaysaa oo darajo hor leh ayeey sii qaadanaysaa. Shacabka Somaliland indho sarcaad ayaa lagu soo waday. Waxaa muhiim ah in qof kasta oo weliba kursiga ugu sareeya u tartamaaya in ay shacabka Somaliland ee codka siinayaa ay ku qiimeeyaan sidan soo socota:

1. Horta xoolaha dadweynahu ma ka nabad galeen; mise waxan uu urursadayba waa taayaddii oo haddii kursiga loo dhiibana kiishad kale ayuu naga sii buuxsanayaa hadaanu nahay shacabkii;

2. Sharciga Ma dhawri yaqaan; mise nin isaguba qardajeex ku soo caano maalay ayaa ku leh anigaa sharciga dhawraya oo hogaamiye kuu noqonaya; waa Waraabe aad ku tidhi adhiga ii raac.

3. Qawl iyo balan ma leeyahay oo balamihii hore ma ka soo baxay. Haddaanu kuwii yaryaraa ka soo bixi waayey; ma waxaad filaysaa inuu balamaha waaweyn iyagana ka soo baxo.

4. Beenta iyo runta ma kala saari karaa. Ninka wax cad oo ay ummaddoo dhan wada arkayso aan imika runta kaaga sheegaynin; Ilaahay baan kugu dhaarshee ma masiirkaagii baad ku aaminaysaa. Qofku haddaanu ku dhac lahayn in uu ummadda xaqiiqda jirta u iftiimiyo; ma wax weyn baad ka sugeysaa?

5. Muxuu soo qabtay 25kii sanadood ee u danbeeyey; waa maxay waayo aragnimadiisu; hadda buhuu-baahada siyaasaddu ma waaya aragnimo dhab ah oo aan u xisaabin karnaa? muxuu xirfad gaara ah leeyahay?

6. Muxuu ka qaban karaa; dhaqaalaha, nabad-gelyadda, Caafimaadka, Waxbarashadda, Beeraha, Biyaha, Ictiraafka, iyo nolosha dhabta ah ee ummaddan sicir-bararku ragaadiyey..

Su’aalahaasi iyo qaar kaloo aad u tiro badan ayeey u baahan tahay inay doorkan shacabka Somaliland fiiro gaara siiyaan si ay aayahooda uga tashadaan;

Wa Bilaahi tawfiiq iyo Jimce Wanaagsan
Jamaal Cali Xuseen