“Ninka Jabiyay Qawaaniinta Xisbiga KULMIYE, Cida Ku Aaminaysa Qawaaniin Qaran Iyaday U Taalaa” Afhayeenka Isbaahaysiga

Hargeysa  (SL.Post) Afhayeenka garabka isbaahaysiga xisbiga tallada haya ee KULMIYE Xuseen Axmed Caydiid, ayaa ka hadlay xubno ka tirsanaa isbaahaysigooda oo ku jiray isku shaandhayntii Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyay Xukuumadda, waxaanu sheegay in isbaahaysi ahaan wax ay u dhimaysaa aanay jirin.

 

hqdefault

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xuseen Axmed Caydiid oo u waramay Wariye Faysal Maxamed Aadan oo ka tirsan TV-ga Somalia Cable waxa kale oo uu sheegay in Guddoomiye Muuse Biixi uu jabiyay qawaaniinta xisbiga KULMIYE.

 

 

 

“Qaadiyada isbaahasigu marka hore isku taagay, qaadiyadii waa sidii oo haddii midi tagay iyo haddii ay laba tagtay waxa hadhayaa waa qaadiyadii  weeyaan  oo wixii laga filayay waxay ahayd in uu yahay xisbi qaadiyadiisa iyo qawaaniintiisa ku dhaqaya shirarkiisa  oo hadday taasi socon weydo oo hadday kun ka baxo iyo haddii qof ka baxo. Waxa weeyaan xisbigu wuxuu jabiyay qawaaniintiisii, xisbigu wuxuu jabiyay  wixii la wada lahaa ayaa la afduubay ooo dhinac loo afduubay.” ayuu yidhi Afhayeenka garabka isbaahaysiga KULMIYE Xuseen Axmed Caydiid

 

 

 

Afhayeenka garabka isbaahaysiga xisbiga KULMIYE waxa uu intaas ku daray  “Ninka jabiyay qawaaniinta xisbiga KULMIYE, cida ku aaminaysa qawaaniin qaran iyaday u taalaa, laakiin aniga iyo cidii iga tallo qaadataa waxaanu is leenahay maaha Ninkii Ummadan gadh-wadeenka u noqon lahaa.”

 

 

 

Halkan ka daawo.

 

Somalilandpost.Hargeysa