“Ninka Fulayga Ah Ayaa Ku Meeraysta, Malaha Doorasho Qaban-maayaan” Wasiir Cukuse

(SL.Post) Wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay waxyaabo la taaban karo ka qabatay dalka.

img_c64d76-39c5c3-43eaab-ef6519-3bc6e8-ad0af1

Wasiir Cukuse oo warbaahinta la hadlay ka dib markii Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigii uu hoggaaminayo waxa kale oo uu sheegay in xisbiyada WADDANI iyo UCID uu ka dhexeeyo tartan siyaasadeed, waxaanu tilmaamay in Xukuumadd ahaan ay wakhtigeeda ku qabanayaan doorashada.

“Qaranka Somaliland Xukuumaddani waxay gacanta ku haysay 7 sanno oo wax dhiman, Waxanau doonaynaa inaanu u sheegno Ummadda annagu waxaanu qaban waa wax Cadeecda hoos-yaala weeyaan, wax qarsoona maaha. Waxaad ogtahay Boorama, Laasacaanood iyo ilaa Ceerigaabo waxay dawladdu ka qabatay inuu yahay wax maalin welba Afhayeenka Madaxtooyadu idiin akhriyo.” ayuu yidhi Wasiirka xanaanada Xoolaha Somaliland Md. Cukuse

Wasiir Cukuse oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Xisbiyada UCID iyo WADDANI waa xisbiyo aanu tartan kula jirno, xisbiga KULMIYE hawshiisu dhismaha qaranka waa ka mid, waa xisbi qaran oo dalka ka jira weliba dalka ka talinayey. Xisbiyada ugu waaweyn ee dalka ka jirana ah.” ayuu yidhi Wasiir Cukuse

Wasiirka xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdilaahi Cukuse waxa uu sheegay in Xukuumadda ahaan ay hore u balan-qaadeen in doorashadu wakhtigeeda ku dhacayso, waxaanu yidhi “Doorashadii Madaxtooyadu wakhtigii loogu tallo-galay bay dhacaysaa, mid kalena Adeer waan ku sheegayaa doorashadu inay dhacayso markhaati cad baanu haynaa, Diiwaangelinta oo ahayd inaanu bixino 25% , waxay dawladdu bixisay 60%  kharashka ku baxay si aanay Diiwaangelintu u baaqan. Doorashadaasu markay xeerarkii ay dhamaan-waayeen oo qolada Baraalamaanku ay soo dhamayn-waayeen ee xisbiyaduna ay tallo keeni waayeen.” ayuu yidhi Md. Cukuse

Wasiir Cukuse waxa uu intaas ku daray “Madaxweynunu wuxuu go’aansaday doorashadiisu in aanay maali dib u dhicin, ta kalena dalku iyadoo loo dhan yahay  in tallo laga yeesho, markaa doorashada Madaxtooyadu wey dhacaysaa oo haddii qaadhaankii ay bixin-jireen qolooyinka qaadhaan-bixiyeyaasha qaarkood hadday wax yari is dhimaan, balan baanu kugu qaadnay inay dawladdu bixiso, laakiin Ninka fulayga ah ayaa ku meeraysta malaha doorasho qaban-maayaan.”

 

Somalilandpost.net