Nin loo dacweeyay fariin uu ku qoray Twitter Oo Muslim Nacayb Ah

UK(SLpost)-Nin u dhashay Britain oo Twitter ku qoray inuu la dagaalay haweeney Muslim ah ayaa la dacweeyay.

Ninkan ayaa sheegay inuu haweeneydaasi uu kula dagaallamay weeraradi Brussels.

Waxaa hadda lagu oogay dacwad ah hurinta naceyb jinsiyadeed.

Maalin kaddib weeraradii Belgium, qoraal lagu daabacay barta Twitter ka ee Matthew Doyle, waxaa lagu sheegay “Waxaan weydiiyay inay ii sharaxdo Brussels. Waxa ay tiri shaqa kuma lihi. Waa jawaabta af cunno ka buuxdo”.

Booliska ayaa isla maalintaasi xiray ninkaasi, waxaana hadda la filayaa in sabtida la horgeeyo maxkamad.