“Nin Kasta Oo Dhaqaale Weyn, Waxaanu U Sheegaynaa Inaan Taladayada Cidina Noo Yeedhin” Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa  (SL.post) Guddoomiyaha xisbiga tallada Somaliland haya ee KULMIYE  Muuse Biixi Cabdi, ayaa jawaab  ka bixiyey baaqii beesha caalamku ka soo saartay go’aankii Madaxweynaha Somaliland ku kala qaaday labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.

 

 

udub-oo-kulmiyegashay

 

“Xisbi ahaan aad iyo aad baanu ugu mahadnaqaynaa dawladaha inaga caawiya doorashooyinka, dhaqaale ahaan iyo talo ahaan wixii ay nagu caawinayaan, caalamkuna ma kala marmee waxaannu xukuumad iyo xisbiba diyaar ula nahay caalamka inaanu xidhiidh wanaagsan oo is-kaashi ah la yeelanno oo la shaqaynno.” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

 

Guddoomiyaha KULMIYE sii hadlaya, waxa uu yidhi  “Caalamka waxaannu u sheegaynaa xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisa waxa ay umaddu u dooratay in ummadda go’aankeeda aanay cidina u yeedhin karin, cidna aanay ka dhegaysan karin, erayga ay deeq-bixiyayaashu soo qoreen ee ay leeyihiin ka noqda kala-saarista doorashoooyinka, waxaannu leenahay eraygaasi nama qabto, waxaannu nahay dal yar oo aan dhaqaale haysan oo curdin ah oo dhibaatooyin ka soo baxay, laakiin nin kasta oo xoog weyn iyo nin kasta oo dhaqaale leh waxa aannu u sheegaynaa inaan taladayada cidina noo yeedhin, cidina noo sheegine aannu qab-weynahay oo aanaan cidna amar ka qaadan. Waxaanu leenahay talada iyo tusaalaha waanu dhegaysannaa, go’aankana Somaliland baa leh oo kolba Madaxweynaha la doortay iyo Golayaashaa leh.”

 

Somalilandpost.net