Nin jebiyey go’aan beesha Adan Madoobe hore Madaxweyne Siilanyo ugu gudbisay iyo jawaabta xukuumada laga sugayo

“Waxaan leenahay arrinkaa ninkaa is-magacaabaya wax jira maaha, waanan uga diganynaa dadka deriska ah ee la khalday…”Cabdillahi Xirsi Saleebaan

Burco (SLpost)- Waxgaradka Beesha Adan Maxamed (Adan Madoobe) ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqay inay talaabo degdeg ah ka qaado nin la yidhaahdo Mustafe Maxamed Adan-weyne ay sheegeen inuu fitno dhexdhigayo, oo qabanqaabada caleema-saarkiisa suldaanka beeshu socoto.

beesha madaxweyne siilaanyoNinkan oo la sheegay inuu magaalada Baali-dhaliye ee deegaanka Soomaalida Itoobiya qabanqaabada caleemasaarkiisu ka socdo ayaa hore guddiga beesha Adan Madoobe ee shirkii Dhagaxdheex lagu doortay qoraal ay u gudbiyeen hay’adaha amaanka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, badhasaabka gobolka Tohdheer, Taliyaha Qeybta Booliiska Todheer ku cadeeyeen qodobo ay ka mid ahaayeen,  In beesha Adam Madoobe ku go’aansatay shirkii Dhagaxdheer  inaan loo baahnay suldaan beeshu yeelato, Ummada Somaliland waxay u caddeeyeen inaanay ka qeybgelin isla markaana taageerin ninkan sheegtay inuu isku-caleema saarayo suldaanka beesha iyo In Xukuumadu talaabo sharciga waafaqsan ka qaado, una madaxbanaan tahay cid kastoo qeyb ka ah arrinkan lagu kala dhantaalayo midnimada beesha Adan Maxamed.

Wakhtigii shirkii Dhagaxdheex qabanqaabadiisu socotay ayaa sidoo kale hore  arrinka suldaan guud oo beeshu yeelato layskula qaatay inaan loo baahnayn go’aan ay wada jirna looga soo saaray ay ku  saxeexnaayeen 21 odey oo ka kala socday todobada ardaa ee beesha Adan madoobe mid walba saddex odey iyo saddexda Caaqil ee beesha Chief Caaqil Guud ee beesha Adan Madoobe Chief Caaqil Barkhad Cabdi Sheybe, Caaqil Cabdillahi Saxardiid Gaaxnuug iyo Caaqil Axmed Yoonis Qasbaaye, una gudbiyeen go’aanka beesha Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilanyo, muddo imika laga joogo shan bilood horteed.

Dhinaca kale, odeyaal, waxgarad iyo dhalinyaro ka tirsan ardaaga Adan Yoonis (Basanboor) ayaa shaaca ka qaaday inaanu waxba ka jirin, isla markaana aan laysku raacsanayn qabanqaabada caleema-saarka ninka sheeganaya suldaanka beesha Adan madoobe, uguna baaqay beelaha deriska inaanay ku daqmin ka qeybgalkiisa iyo hambalyeyntiisaba.

Odeyaal, waxgarad iyo dhalinyaro ka soo jeeda ardaaga ninkan is-caleema saaraya kana mid ahaayeen Cabdillahi Xirsi Saleebaan, Axmed jaamac Diiriye, oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Burco ayaa ugu baaqay ninkan sheeganaya inuu isku caleema-saarayo suldaanka iyo dadka la socda inay soo fadhiistaan gogosha beesha Adan madoobe hadii ay wax tirsanayaan, laakiin aanay kula socon talaabada ay ku dhaqaaqeen, kana soo horjeedaan, maadama aanay beeshu isku raacsanayn,

“Waxaan leenahay arrinkaa ninkaa is-magacaabaya wax jira maaha, waanan uga diganynaa dadka deriska ah ee la khalday, arrinta inaanay ku dhexdhacin, iskana hubsadaan, mid beeshu ku wada socoto maaha, marka hore wax beesha Adan madoobe wada qaadatay maaha, marka labaad wax ardaaga basanboor ku wada socdo maaha, laakiin waa arrin inan iyo shaqsiyaad la socdaa wataan.”

Xukuumada Somaliland ayaa la sugayaa jawaabta ay ka bixiso cabashada beesha madaxweyne Siilanyo ugu soo gudbiyeen wax ka qabashada nin ay sheegeen inuu fitno ka dhex abuurayo dhexdooda.