“Nin geeliisa la dhacay ma jiro, waxa laysku haystaa [KULMIYE] Shantaa Boqol ee Shilin ee Islaanta tamaandhada iibinaysa iyo agoonta laga ururinayo”- Sh. Aadan-Siiro oo talooyin u jeediyey Ergada Guurtida

Hargeysa (SLpost)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn ee magaalada Hargeysa, ayaa ergada Guurtida ee Isu-xil-qaantay dhex-dhexaadinta khilaafka Kulmiye ugu baaqay inay ka garsooraan wax laysku hayo isla markaana dhinac kastana u sheegaan gartooda oo farta ku fiiqaan Cid kasta khaladka uu khilaafku ka taagan yahay iska leh.

Sheekh-Aadan-SiiroSheekh Aadan-Siiro oo arrintan ku soo qaaday Khubaddii Jimcaha ee maanta uu ka jeediyey Masjidka uu Khaddiibka ka yahay ee magaalada Hargeysa, waxa uu shacabka iyo indheer-garata u soo jeediyey inaanay cid ku taageerin reernimo iyo magac, balse ay gartaan Xaqa iyo Waxa ay umadda danteedu ku jirto.

HALKAN DHEGAYSO

SOMALILANDPOST.NET