Nin Dhalasho ahaan Somaliland ka soo Jeeda oo loo doortay Maayarka Degmo London ka tirsan iyo Ballan-qaadkiisa Ictiraaf-raadinta (DAAWO)

London  (SLpost)- Maxamuud Cabdillaahi Aadan oo ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Degaanka ee laga soo doortay degmada Southwark, dhalasho ahaana ka soo jeeda Somaliland, ayaa loo doortay Maayarka Degmo ka mid ah Degmooyinka Magaaladda London ee Dalka Ingiriiska
Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay Magaalada London, laguna shaacinayey caleemo-saarkiisa, ayaa waxa ka soo qayb-galay, Xisbiyada Labour-ka iyo Conservative-ka ee dalka Ingiriiska, jaaliyadaha Somaliland iyo Soomaaliya ee ku dhaqan dalkaas, kuwaas oo si wada-jir ah u soo
dhaweeyey maayarkooda cusub.
Maxamuud Cabdillaahi Aadan oo xilkaas loo doortay, ayaa waxa uu madashaas ka sheegay Dad Ingiriisku jecel yihiin in wax lala qabsan, waxaanu madashaas ku ballanqaaday kaalinta uu ka qaadan doono qadiyadda aqoonsi-raadiska Somaliland.
Maayar Cabdilaahi oo madashaas ka jeediyey hadal kooban, ayaa sheegay inuu ka shaqayn doono Qadiyadda Aqoonsi-raadin Somaliland. “Waxay Dadka Ingiriisku ay doonayaan sidii Bulshada Soomaliyeed u dhex-gali lahayd shacabka, markaan waxaan ka shaqaynayaa Ictiraafka Somaliland,” ayuu yidhi Cabdilaahi.

DAAWO MUUQAAL