Nin Cadhaysan oo Hub Ku Soo Weeraray Warshad uu Ka Shaqaynaayay Dalka Maraykanka Hubkaas Oo Sababay Dhimasho

Us(SLpost)-Booliska gobolka Kansas ee dalka Mareykanka ayaa waxa ay sheegayaan in qof hubeysan uu rasaas ku furay dad ka shaqeynaayay meel warshad ah.

Dhowr qof ayaa ku dhimatay dad aad u bandanna oo gaaraya 30 qofna way ku dhaawacmeen.

Qofka looga shakisan yahay inuu toogashadaasi ka dambeeyay ayaa la dilay.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ninkaasi uu sitay hub badan, markuu weerarka ku qaadayay saaxiibadiisa ay isla shaqeynayeen.

Warshadda uu weeraray waxa ay soo saartaa alaabo kala duwan oo ay ka mid tahay qalabta cowska lagu guro, waxayna ku taallaa magaalo lagu magacaabo Hesston.

Baarayaal ayaa sheegaya inay hadda eegayaan haddii ninkaasi uu goobo kale weeraray.