“Niman Golaha ah baa ii yimi, madaxweynuhuna inuu Xogogaal yahay baan filayaa…” – Guddoomiyaha Golaha Guurtida

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin warar maalmihii u dambeeyey saxaafaddu qaadaa-dhigaysay oo lagu sheegay inuu iska casilayo guddoomiyenimada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliland.

Todobaadkii hore ayay saxaafadda qaarkeed baahisay in Guddoomiye Saleebaan iska casilayo, madaxweynahana uu u gudbiyey go’aankiisa iscasilaadda, iyadoo wararka la faafiyey arrintaas lagu sababeeyey arrmo caafimaad.

Haddaba, Guddoomiye Saleebaan oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inuu arrintan ka maqlay saxaafadda oo uu warka ka helay, balse aanay waxba jirin arrinta is-casilaadda ah ee la sheegay.

Warkan oo faahfaahsan kaga bogo muuqaalka Hoose