Natiijooyinka Ciyaarihii Gobollada ee Maanta iyo Xulka gobolka Saaxil oo Ka Hadhay Tartanka

hawdHargeysa (SLpost)- Xulalka Gobolada Buuhoodle, Saraar, Hawd Iyo Saaxil ayaa galabta isku Haleelay Ciyaaro adag oo ka mid ah Tartanka Gobolada Somaliland ee Ka Socda Hargaysa Studium .

Ciyaarta Kowaad ayaa dhex martay labada Xul ee Saraar iyo Buuhoodle iyagoo soo bandhigay qaab ciyaareed Farsamo ahaan Saraye labada Xul ayaa ku kala badiyay hal Gool iyo Eber ay Guushu ku raacday Xulka Gobolka Saraar.

Sidoo kale Xulalka Gobolada Hawd iyo Saaxil ayaa isaga Hor yimid Ciyaar adag oo ku dhisnayd Weerar iyo Weerar Celis, Qaybtii hore ee Ciyaarta ayaa la isla dhaafi waayay,hasa yeeshee markii Qaybtii labaad ee Ciyaarta la isugu soo noqday ayaa labada Xulba waxay la Yimaadeen Dadaal Xoogan taas oo dhalisay in Xulka Hawd ay la Yimaadaan Daqiiqadii hore ee Qaybta labaad ee Ciyaarta Goolkoodi Kowaad, Xulka Gobolka Saaxil ayaa Isagu soo qaaday Weeraro Xoogan waxaase Markale u Suuro Gashay Xulka Gobolka Hawd inay la Yimaadaan Goolkoodii labaad ee ay Guushu ku raacday .

Ciyaartan ayaa ku dhamaatay 2 Gool iyo Eber ay ku badiyeen Xulka Gobolka Hawd .

Xulka Saaxil Gobolka Saaxil ayaa Sidaa Ku Sagootiyay Tartankii Ciyaaraha ee Gobolada Somaliland.